Guddiga Qaranka Ee…

Isniin-20-05-2019; Kulankan oo ahaa mid uu Guddigu kusoo bandhigay waxqabadkii 2018 iyo sidoo kale, waxyaabaha Guddiga u qorsheysan sannadda 2019. Kulanka ayaa waxa uu ka dhacay xarunta Aqalka Sare, halkaas oo ay goobjoog ku ahaayeen Guddiga Arrimaha Bulshada ee Golaha Aqalka Sare Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa hadalka furay Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada ee Aqalka Sare, Mudane, Senator Axmed Macallim Cumar “Nadiir”, asagoo halkaas kusoo dhaweeyay maxada iyo shaqaalaha ka socday Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dawladda. Salaan iyo soo dhawayn ka dib, Xildhibaannada ayaa waxaa loo qeybiyay qaar ka mid ah nuqullada waxqabadka Guddiga ee 2018. Madaxda Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dawladda ayaa waxay billaabeen soo bandhiggidda waxqabadka Guddiga ee sannadda 2018, waxaana soo jeediyay Agaasimaha Aguud ee Guddiga.

Markii soojeedintii ay dhammaatay, Xoghayaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dawladda Mudane, Axmed Farax Cali, La-Taliyaha Guddiga Md. Shacir Guulleed Xareed iyo Agaasimaha Guud, Md. Abdinasir Shiekh Mire ayaa ka jawaabay su’aalo laga waydiiyay waxqabadka Guddiga 2018, arrimaha shaqaalaha iyo sharciga shaqaalaha  dawladda. Madaxda ayaa aad u faah faahiyay arrimahii wax laga waydiiyay. Sidoo kale, Xoghaye Axmed ayaa waxaa uu Guddiga siiyay warbixin dheer oo ku saabsan wixii qabsoomay, caqabadaha jiray iyo arrimaha hortabinta u leh Guddiga oo ay munaasab tahay in Guddiga Arrimaha Bulshada ee Golaha Aqalka Sare ay ka gacansiiyaan.

Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalkka Soomaaliya, Md. Senator Axmed Macallim Cumar “Nadiir iyo Xubnaha kale ee Baarlamaanka Aqalka Sare ayaa aad Guddiga ugu ammaanay soo bandhiggidda waxqabadka Guddiga, kaas oo uu ku tilmaamay inuu yahay mid aad u heer sareeya. Guddoomiye Senator Nadiir ayaa sheegay in ka guddi ahaan ay dhankooda ku dadaali doonaan in ay wax kala qabandoona caqabadaha jira, mar walbana ay aad uga fakiri doonaan Shaqaalaha Rayidka ee dawladda. Kulanka ayaa kusoo dhammaaday jawi degan.

Gunaanad:

Xogyahaha Guddiga, Md. Axmed Farax ayaa u mahadceliyey Guddiga Arrimaha Bulshada ee Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Jahhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kana codsaday in ay markasta ka gacan siiyaan arrimaha la xariira Shaqaalaha Rayidka ee Dawladda.

 

DHAMMAAD